October 23, 2021

Dagaal Ka Dhacay Duleedka Bari Ee Magaalada Muqdisho iyo Faahfaahin Ka Soo Baxaysa


Dagaal u dhexeeya ciidamo milatari ayaa saaka ka dhacay duleedka Bari ee magaalada Muqdisho iyadoo dagalkan uu u yahay mid la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwanWararka ayaa sheegaya in waxyeelo ay ka soo gaartay dagaalkan dad rayid ah kuwaasoo ku noolaa degmada Kaaraan.

Illaa labo ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyootay dagaalka halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen,iyadoo dadka degen xaafadaha ku dhow dhow halka dagaalka uu ka socda ay bilaaben inay ka barakacaan.

Dagaalka ayaa wararka ay sheegayaan inuu u dhaxeeyo ciidamo kala taabacsan Saney Macalin Cabdulle iyo Cismaan Xaadoole oo katirsan saraakiisha ciidanka milatariga Soomaaiya ayaa xiligan ka socda xaafado katirsan Degmada Kaaraan .

Illaa iyo hadda si dhab ah looma oga sababta keentay dagaalkan hase yeeshee waxaa ay wararku sheegayaan inuu salka ku hayo gacan ku haynta kaawooyin laga qodo dhagaxa.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*