October 23, 2021

Golaha Midowga Musharixiinta Oo Welwel Ka Muujiyay Dib u Dhaca Jadwalka Doorashada


Golaha Midowga Musharixiinta ayaa warsaxaafadeed kasoo saaray xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dib u dhaca ku yimid Jadwalka Doorashooyinka oo ay ku heshiiyeen Golaha Wadatashiga Qaranka May 2021.

Goluhu ayaa welwel ka muujiyay dhaqangal la’aanta Jadwalka habraaca u ah qabsoomidda doorashooyin dhammeystiran sida Labada Gole ee Baarlamaanka 11-aad, Guddoonkooda Iyo Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

“Golaha Midowga Musharixiinta waxa uu welwel iyo Walaac xooggan ka muujinayaa dib u dhaca Doorashada oo sababi karta firaaq ku yimaada hay’adda Dalka, taas oo saameyn karta Amniga iyo Dhaqaalaha” ayaa lagu yiri Xaanshida Golaha Midowga Musharixiinta.

Musharixiinta ayaa Golaha Wadatashiga qaran u soo jeediyay in uu meesha ka saaro caqabadaha hortaagan in la dhammeystiro Doorashooyinka oo haatan tan Aqalka Sare BFS laga doortay 48-Senator oo ah 54-Xubnood uu ka kooban yahay dhismaha Aqalkaas.

 

 

 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*