October 23, 2021

Maleeshiyaadka Ahlu Suna Oo Isaga Baxay Deegaanka Ceel-Dheere


Wararka laga Helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan ururka Ahlu Sunna ay bilaabeen ay isaga baxaan deegaanadii ay dhawan la wareegeen.

Deegaanka Ceel-dheere oo 28km dhanka Koonfureed uga beegan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug una dhaxeeya Guriceel iyo Dhuusamareeb ayay xalay isaga baxeen maleeshiyaadka Ahlu Sunna.

Kabixintaan kadib ayaa waxaa saaka waaberigii gaaray deegaankaa ciidamada dowlada oo saldhigyo ka sameysten daafaha iyo gudaha deegaanka Ceeldheere.

Sidoo kale Ciidamad Ahlu Sunna ayaa shalay isaga baxeen degmada Matabaan oo ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabelle.

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa waxaa ku sugan ciidamo faro badan kuwaasoo dhawaan loogaga daadgureeyay diyaarado magaalada Muqdisho.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*