October 23, 2021

Madaxweynaha HirShabeelle oo Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho


Madaxweynaha dowlad Goboleedka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyagoona siweyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Cali  Guudlaawe iyo wafdigiisa oo kasoo  ambabaxay Jowhar ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda, siyaasiyiin iyo dadweyne farabadan oo Garoonka lagu sii diyaariyey.

Madaxweynaha HirShabeelle ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho waxa uu kulamo la qaadan doonaa xubno ka tirsan Beesha Caalamka oo uu kala hadli doono horumarinta deegaanada maamulkiisa iyo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka jira.

Wasiirka amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka hadlaayay soo dhaweynta loo sameeyay Cali Guudlaawe ayaa Madaxweynaha iyo maamulkiisa ku boggaadiyay qaabka ay u dhacday doorashadii Aqalka Sare ee lagu qabtay Jowhar.

 

Madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka HirShabeelle oo dhawaan ka dhacday doorashadii Senatorada Aqalka Sare ku metalaya HirShabeelle.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*