November 28, 2021

Cristiano Ronaldo Oo Digiin Adag U Diray Tababarahiisa Markii Uu Kaydka Dhigay Kulankii Everton.


Xiddiga Man United ee Cristiano Ronaldo ayaa tababarihiisa koxoda ee Ole Gunnar Solskjaer u sheegay in uu doonayo in uu ciyaaro kulan kasta oo horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Portugal ayaa fariintan u diray tababarihiisa kadib markii uu kaydka dhigay kulankii Everton ee horyaalka premier League ee ka hor fasaxii xulalka.

ilo wareedyo ku dhaw xiddiga ayaa sheegaya in uu aad uga niyad jabsanyahay in kaydka la dhigay kulankii Everton waliba uu doonayo in uu ciyaaro kulan kasta oo horyaalka ah.

Ilo wareedyada ayaa sheegay in uu Cristiano Ronaldo tababarihiisa u sheegay”Taam ayaan u ahay in aan ciyaaro kuna bilowdo kulan kasta oo premier League ah”.

Cristiano ayaa ku soo labanaya Man United kadib markii uu 4 gool soo dhaliyay kulamadii waajibaadka xulka qarankiisa Portugal kuna jirto saddexley uu u dhaliyay xulkiisa kulankii Luxembourg.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*