November 28, 2021

Muqtaar Roobow;”Muddo Saddex Sano Ah Ayaan U Afduubanahay AMISOM”


Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa markii ugu horeysay codkiisa la maqlay tan iyo dhamaadkii sanadkii 2018.Roobow ayaa wareysiga ku sheegay in muddo lix bil ah lagu hayay xarunta Nabadsugida ayna ilaalo ka ahaayeen ciidamada Waran,balse markii dambe la geeyay guri ay ay ilaalo ka ahaayeen ciidamo magaalooyin kala duwan laga keenay kuwasoo ku dagaalamay qolkii uu ku jirey oo askari uu ku dhintey.

Muqtaar Roobow Cali ayaa wareysi siiyay laanta afka soomaaliga ah ee VOA waxana uu sheegay in aysan waxba iska bedelin fikirkiisa uuna doonayo in si nabad ah uu ugu tartamo siyaasada dalka.

“Nabad baan wax ku raadiyay waana ku raadin doonnaa haddii aan la I qasbin, hamigeyga siyaasadeed isma bedelin, wax badan waan aqriyay haddii ay qur’aan tahay haddii ay wax kale tahay, waxaana markasta diyaar u ahay in aan dadkeyga horumariyo” ayuu yiri Muqtaar Roobow.

Muqtaar Roobow oo xilal sare ka soo qabtay ururka Alshabaab ayaa markii dambe ka goostay isagoo isu dhiibay dowlada federalka waxana uu isu soo sharaxay xilka Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofurgalbeed.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*