November 28, 2021

Hooyada Dhashay Ikraan Tahliil Oo Ka Hadashay Hadalkii Maxkamada Ciidamada


Hooyada Dhashay Ikraan Tahliil Qaali Maxamuud Guhaad ayaa ku gacan sayrtay natiijada hordhaca ah ee ay soo saareen Guddigii loo xilsaaray Kiiskii Marxuumad Ikraaan tahliil, iyadoo ku tilmaantay mid marin habaabin ah.

 

Xeer ilaalinta maxkamadda milatariga Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan usoo bixin wax caddaymo ah oo muujinaya in Ikraan Tahliil Faarax ay ku maqan tahay gacanta saraakiisha hay’adda nabadsugidda NISA.

Qoyska Ikraan Tahliil Faarax ayaa horey u sheegay in gabadhoodu ay ku maqan tahay hay’adda nabasdugidda ee NISA, waxayna sheegeen inay doonayana inay caddaalad helaan.

Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil sheegtay in wali caddaalad ay ka sugayso Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya maxamed Xuseen Rooble, iyadoo codsatay in si cadaalad ah baaritaan dhab ah loogu sameeyo Kiiska.

“Natiijada ka soo baxday guddiga ama aha wax la qaadan karo waxaan sugeynaa caddaalad.”ayay tiri Ikraan Hooyadeed.

Ma jiro illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha oo la xiriira natiijada hordhaca ah ee uu ku dhawaaqay xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida.

Ikraan Tahliil Faarax ayaa markii ugu horeysay la waayay ilaa 26 bishii June Sanadkan.

Muddo ka dib ayaa qoraal ay soo saartay hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka waxaa lagu sheegay in ay Alshabab Afduubteen ka dib-na ay dileen.

Balse Al-shabab ayaa dhankooda beeniyay warkaasi iyaga oo sheegay in aysan ku lug lahayn kiiska Ikraan.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*