November 28, 2021

Wiil Dhalinyaro Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho


Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil  xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ayadoo ay   kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan dilkaan oo loo gaystay wiil dhalinyaro ah.

Wararkii ugu dambeeyay  ayaa sheegaya in xalay degmada Karaan ee Gobolka Banaadir dil loogu gaystay Wiil Dhalinyaro ah oo ka mid aha dadka degaanka.

Dilka ayaa waxaa fuliyay dabley hubeysan oo sida la sheegay gudaha u galay Guriga uu ku sugnaa Wiilka la dilay, waxaana dilku uu sigaar ah uga dhacay xaafadda Jamhuuriya ee  degmada Kaaraan ee Gobolkani Banaadir.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Mukhtaar Yalaxow, waxaana uu ka mid ahaa dadka degaankaasi, sida ay  sheegeen dadka degaanku.

Dableydii dilka fulisay ayaaa goobta isaga baxsaday sida ay  sheegeen dad goob joogayaal ah, waxaana halka falku ka dhacay gaaray Ciidanka Dowladda, kuwaasi oo sameeyay howgallo ballaaran oo ay ku baadi goobayaan dableydii dilka gaysatay.

Maalmihii ugu dambeeyay Magaalada Muqdisho waxaa ka dahcayay dilala qorsheysan oo loogaystay Oday dhaqameedyo iyo nabaddoonoo, kuwaasi oo siyaabo kala dwuan loogu dilay Magaalada muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*