November 28, 2021

Doorasho Ka Dhacday Muqdisho Iyo Wasiirkii Hore ee Warfaafinta Oo loo doortay Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka


Magaalada Muqdisho Waxaa saakay hoolka Iskool Buluusiya ee magaalada Muqdisho mar kale ka bilaabatay doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana saakay lagu wadaa in la doorto ilaa lix kursi oo kamid noqonaya Golaha Shacabka.

Kursigii ugu horeeyay doorashada waxaa ku tartamayay Musharax Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya iyo Musharax Cabdiraxmaan Warsame Siciid.

Doorashada goordhaw ka dhacday magaalada Muqdisho waxaa ku guuleestay Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo helay codad gaaraya 96-cod halka musharaxii la tartamayay isna heley  Sedex Cod.

Xildhibaan Maareeye ayaa noqonaya Xildhibaankii sadexaad ee kamid noqonaya Golaha Shacabka ee lagu doorto magaalada Muqdisho, waxaana goordhaw la filayaa in shan Xildhibaan oo kale lagu dooro xarunta Iskool Buluusiya.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*