November 28, 2021

Kooxda Al-shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ku Yaala gobolka Baay


Wararka laga Helayo Deegaano ka Tirsa Gobolka Bay ayaa Sheeaya koox ka tirsan Al-shabaab ay maanta dagaal kula wareegay deegaanka Daynuunaay oo ka tirsan gobolka Baay.

Goobjoogayaal ayaa  sheegay in Al-shabaab saakay weerar culus ay ku qaadeen Deegaanka Daynuunaay, islamarkaana ay la wareegeen saldhig ciidan oo ku yaala deegaankaasi.

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse lama ogaan khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Deegaanka Daynuunaay oo qiyaastii 25KM u jira magaalada Baydhaba ayaa waxaa ku yaalla saldhig weyn oo ay ciidamada xoogga ku leeyihiin deegaankaasi.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*