November 28, 2021

Guddomiye Feysal Cali Waraabe: “Waan Joojinayaa Wadahadallada Soomaaliya Iyo Somaliland”


Eng Feysal  Waraabe oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaarad ah ee Ucid, ayaa sheegay in Wadahadaladii muddada soo socday ee u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya uu joojin doono.

Isaga iyo xubno kale oo  ka socda xisbiyada mucaaradka ee Somaliland oo ay hogaaminayaan madaxda xisbiyada, kuna sugan Magaalada Nairobi waxaa ay halkaas u joogaan arrimo ku aaddan doorashooyinka Somaliland.

 

Guddomiye Faysal Cali waraabe oo ka mid ah madaxdaas ayaa BBC u sheegay in ujeedada ay u scdaan ay tahay sidii ay doorashada dabayaaqada sannadka dambe ka dhici doonta Somaliland ugu raadin lahaayeen taageero farsamo iyo mid dhaqaale.

Sidoo kale Eng Faysal wuxuu BBC u sheegay in uu weli yahay musharrax mar kale u taagan tartanka madaxtinimada Somaliland.

Wxuu intaa ku daray in uu qorshaynayo in uu baarlamaanka hor geeyo in la joojiyo wadahadalladii u dhaxeeyey Somalia iyo Somaliland oo uu ku tilmaamay kuwo khasaare mooyee aysan wax faa’iido ah ugu  jirin.

 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*