November 28, 2021

Kursiga HOP#67 Oo Murankiisa Sii Xoogeeysanaya Iyo Yaasin Fareey Oo Isku Soo Sharaxay


Mid ka mid ah Kuraasta laga sugayo in dhawaan lagu qabto magaalada Dhuusa mareeb ayaa sii xoogeysanaya waxaa soo baxaya cabasho ay qabaan qaar ka mid ah odayaasha degaan doorashada kuraastooda ay ka dhacayso magaalada Dhuusamareeb, kuwaasoo sheegaya in ergo aan sax ahayn la xaraynayo kuwii reerkana laga tegay.

Guddiga doorashada ayaa caawa shaaciyey in labo kursi oo uu ku jiro kursigan beri loo tartamayo, taasoo xaalada ka dhigysa mid ka sii darta

Nabadoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto) oo sheegay inuu yahay odaygii rasmiga ahaa ee kursiga uu tirsigu yahay HOP#67 ayaa sheegay inuusan waxba ka ogeyn ergada joogta Magaalada Dhuusamareeb, isagana laga hor istaagay inuu magaaladaas tago.

Cali Jeesto ayaa cabasho arrintaas la xiriirta u gudbiyey guddiga doorashooyinka Qaranka, kaasoo uu sheegayo in kursiga beeshiisa la boobayo.

Dood ayaa ka dhalatay tallaabo ay guddiga doorashada ay warqadaha aqoonsiga diiwaangelinta ku guddoonsiiyeen taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka, Yaasiin Cabdullaahi Max’uud (Yaasiin Farey), arrintaasoo lagu tilmaamay mid hareer marsan habraacii doorashada.

 

Kursigan waxaa muranka ugu culusi dhex yaallaa laba masuul oo midna hadda ka tirsan yahay Haayadda NISA midna hore uga tirsanaa haayaaddaas. Kuwaasoo kala ah Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad sugida (NISA) Jan. Abdirahman Tuuryare iyo ku simaha taliyaha NISA ee hadda, Yaasin Cabdullaahi Fareey oo lagu xamanayo iney gadaal ka riixeyso Villa Somalia.

Kursigan oo uu hore ugu fadhiyey Caddow Cali Gees oo isagu hadda iskaga haray tartankan ayaa waxaa jira musharrixiin kale oo hunguraynaya.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA IYO QORAALKA DACWADA

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*