November 28, 2021

Maamulka Iskuulka Mucaasir Oo Shaacisay Khasaaraha Kasoo Gaaray Qaraxii Maanta


Maamulka Iskuulka Mucaasir ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha kasoo gaaray qaraxii saaka ka dhacay Albaabka hore ee Iskuulka Mucaasir oo ku yaalla meel ku dhow Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim, degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Maamulaha Iskuulada Mucaasir Macalin Yuusuf oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in qaraxa Is-miidaaminta ahaa uu ka dhacay Albaabka hore ee Iskuulkooda, ayna uga dhaawacmeen 7 Arday, Darawal iyo hal ruux oo Ilaaliye, sidoo kalena burbur xoogan uu gaaray Iskuulka.

Waxaa uu sheegay Maamule Macalin Yuusuf in Ardayda dhaawacantay ay gaarayaan 7 oo dhammaantood ah Carruur waxkabarata iskuulka Mucaasir ee Muqdisho, waxaana Ardayda waxyeelada ka gaartay Madaxa oo ay ka galeen firirada qaraxa.

 

Maamulaha Iskuulada Mucaasir ayaa tilmaamay in xiligii Ardayda dhaawacmayeen ay ku jireen gudaha fasal, una socotay xiiso xiligaas, iyagoona dhaawacyadooda la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Magaalada Muqdisho, si loogu dabiibo.

Wuxuu intaas kusii daray in dhammaan qalabkii yaallay Iskuulka ay burbureen sida Computeradii Xafiisyada, fasaladii wax ay ku barayeen Ardayda iyo gaadiidka uu lahaa iskuulka, isagoona Macalin Yuusuf caddeeyay in khasaaro hantiyadeed soo gaaray, kaasi oo ah mid farabadan.

Ugu dambeyn Maamule Macalin Yuusuf ayaa Carabka ku dhuftay in khasaarahaan uu soo gaaray, xili Ardayda iyo Maamulka Iskuulka ay u diyaar garoobayeen Imtixaanka Term-ka ah, wuxuuna xusay in gebi ahaan iskuulka uu burbur xoog leh gaaray.

Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku geeriyooday qaraxii saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho, halka 17 qof kalena ay ku dhaawacmeen oo ku jiraan Arday, waxaana Taliska Booliska uu sheegay in qaraxaas lala damacsanaa in lala beegsado Ilaalada UN-ka oo wadada marayey, xiliga uu qaraxu dhacayay…

 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*