November 28, 2021

Maxaa Ka Jiro In Prof Jawaari loo dhigtay isbaaro siyaasadeed loona diiday inuu isku Soo Sharaxo Kursiga ?


Guddoomiyihii hore ee baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa sanado badan kadib wajahaya inuu waayo kursigiisa xildhibaannimo oo isbaaro siyaasadeed loo dhigtay.

 

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) uu diidan yahay inuu ogolaado musharaxnimada Jawaari, ayada oo guddiga doorashada Koonfur Galbeed ay u diideen shahaadada musharaxnimo.

Sida la ogaaday  Go’aankan ayaa ka yimid madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ku amray inaan lasoo saarin Jawaari.

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa kursiga HOP103 ee uu ku fadhiyo Jaawaari u diiwaan-geliyey musharax Maxamed Cali, oo ah wasiirka Howlaha Guud ee Koofur Galbeed kuna dhow Lafta-gareen.

Sida la Sheegay Odayaasha beesha uu kasoo jeedo Jawaari ayaa si buuxda u taageersan guddoomiyihii hore, hase yeeshee waxaa rabitaankooda hor-istaagay Lafta-gareen oo ka amar qaadanaya Villa Somalia.

Prof Jawaari oo hadda ku sugan Baydhaba ayaa la kulmay cadaadis xooggan, waxaana lagu qasbayaa inuu kursigan isaga haro, inkasta oo isna isku dayayo in la diiwaan-geliyo mana cadda sida ay xaaladda ku dambeyn doont.

 

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la rumeysan inuu Jawaari weli u qabo ciil kadib dagaal siyaasadeedkii horey u dhex maray, inkasta oo uu Jawaari ka tuuray xilkii guddoomiyaha baarlamanka.

Doorashada golaha shacabka ayaa waxaa hareeyey musuq-maasuq iyo fadeexad aan horey dalka uga dhicin, mana jirto cid wax ka qaban karta kuraas boobka xooggan ee dalka ka socda Taasina Waxa ay keeni kartaa isku dhac uu dhiig ku daato.

 

 

 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*