January 18, 2022

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Oo Hakiyay Natiijada Kursiga Uu Boobay Yaasiin Fareey


Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee dalka, ayaa manta ku dhawaaqay iney hakiyeen natiijada kursiga tirsigiisu yahay Hop067, kaasoo khamiistii doorasho ka dhacday Dhuusa-Mareeb uu ku soo baxay kusimaha taliyaha NISA Yaasiin Fareey.

Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu micneeyay sababta hakinta rasmi ahaan natiijada kursigan iney salka ku heysa dacwad ay soo gudbiyeen musharrax lagu magacaabo Axmed Cabdikariin Cali iyo sidoo kale Nabadoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto).

 “Guddiga xallinta khilaafaaadka doorashada dadban (GXKHDD) ee 2020/2021, asagoo fulinaya Habraaca lagu dhisay GXKHDD ee soo baxay I-dii Oktoober 2020, wuxuu ku wargalinayaa guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federal (GHDHF) in dacwad laga keenay kursi Lumber HOP#067,” ayaa lagu yiri warqadda ka soo baxday guddiga xallinta.

Guddiga doorashooyinka ee heer federal ayaa lagu wargeliyay qabashada dacwaddan, iyadoo haatan ay socoto baaritaanada wax aka jira cabashada loo soo gudbiyay, iyadoo barista kadib ay warbaahinta la wadaagi doonaan waxa u soo baxa.

“Haddaba guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban (GXKHDD) ee 2020/2021, asagoo gudanaayo waajibaadka shaqo ee loo igmaday wuxuu ku wargelinayaaa guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal (GHDHF) in la hakiyo ku dhowaaqista natiijada rasmiga ah ee kursi lambar HOP#067 laga bilaabo 28/11/2021 inta GXKHDD uu go’aan ka gaarayo dacwadda laga soo gudbiyey kursigaas,” ayaa markale lagu yiri warqadda guddiga.

Kusimaha taliyaha NISA Yaasiin Fareey ayaa 68 cod ku guuleystay doorasho dhamaadka todobaadkii hore ka dhacday caasimadda Galmudug, iyadoo la sheegay ineysan sax eheyn ergada dooratay, waxaana taasi dheereed in musharixiinta qaar loo diiday iney si daah furan kursigaas ugu tartamaan.

 

 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*