January 18, 2022

SAWIRO:Deegaanka Caadleey Oo La dhagax Dhigay Dhisme Iskuul Iyo Xarun Caafimaad


Wararka aan Ka heleeyno Deegaanka Caadleey Oo Ka Tirsan Degmada Mahadaay ee G/Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in la dhagax dhigay dhismo Iskuul Iyo Xarun Caafimaad ayadoo loogu adeegayo Bulshada Deegaanka Caadleey Iyo Deegaanada Ku Hareereeysan.

Sida la sheegayo Dhismaha Iskuulka Iyo Isbitaalka Waxaa iska kaashanaya Dadka Ka soo jeeda Caadleey Sida Ganacsatada,Siyaasiyiinta,Aqoonyahanka,Dhalinyarada,Haweeynka,Culimu,udiinka ,Qurbo-joogta Iyo Waxgaradka,Kadib markii ay arkeen Baahiyada loo qabo in deegaanka la gaarsiiyo Horumar dhanka waxbarashada iyo Caafimaadka ah .

Dhanka kale waxa aad u soo dhaweeyay bulshada deegaanka Caadleey waxaana ay sheegeen in ay ka faaideeysan doonaan Horumarka ka bilaawday caadleey.waxaana ay ilaahay uga baryeen inta ka qeeyb qaadatay horumarkaas in ilaahay ajar ka siiyo wanaaga ay u qabteen dadkooda iyo deegaankooda.

Deegaanka caadleey ayaa ah deegaan taariikh leh kana tirsan deegaanada la isku yiraahdo Afarta-tuulo Sida Caadleey- Ceelbaraf-Miir-taqwe Iyo Biyo-Cade .

Deegaanka Caadleey Ayaa lagu Xasuustaa “Shiribkii ahaa 

  “II FIIQ  MACAANSO SHAAHIGA “

 “CAADLEEYAAN KAAGA SOO GADEE”

Sida aan ka soo xigtay Dad waqtigaa Joogay markii uu Ku Shirbayay  AUN Ninka La dhihi Jiray Magaciisa Axmed Gaaboow Cuule  AUN  Waxa uu Tiriyay Xaaskiisa asigoo markaasi u iib keenay Badeeco Suuqii ka Jiray Caadleey  Waqtigaasi Sida la sheegay AUN Axmed Gaaboow Cuule ayaa Dareensanaa in bulshada waqtigaa ay aad u jecleed Shaahiga Macaan balse waxa uu asigana Jaceeyl u uu qabay Xaaskiisa ayuu ku abaal marinayay Shaahigii Macaanta Badnaa ee lagu Yaqiinay Maqayadihii Caadleey . AUN AXMED GAABOOW CUULE Waxaana uu u Tiriyay Shiribka aan Kor ku soo sheegnay. Sida la sheegay Shaahiga ayaa ah mid ay Bulshada ay aad u jeclaayeen Cabistiisa.

 

 

Ugu danbeentii Dadka ka soo jeeda Deegaanada Afarta Tuulo Iyo Dhamaan HirShabelle Waxa aan Xasuusinaynaa in ay deegaanada ay ka soo jeedaan wax ka bedelaan nolosha ka jirta ayna la jaan qaadaan deeganada Kale ee soomaaliyeed ee horumaray

SAWIRO_

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*