January 18, 2022

Maxaa Ka Jira In Fahad Yaasiin uu Xilka Xafiiska Amniga Iska Wareejiyay?


FAHAD OO CABDISACIID KU WAREEJIYAY WAAJIBAADKIISA SHAQO EE AMNIGA QARANKA

La taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa dhammaan awoodda xafiiskiisa ku wareejiyay wasiirka arrimaha dibadda Cabdisciid Muuse Cali horraantii December-21, si uu ugu gacan bannaanaado arrimaha siyaasadda, ololaha Farmaajo iyo howlihiisa sirdoonka siyaasadeedda.

Arrinkan ayaa jahwareer ka dhex abuuray hay’adaha amniga dowladda iyo saaxiibada Soomaaliya ka caawiya amniga kaddib markii lagu wargeliyay in ay hoos tagaan wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Sida ay muujisay xaashida summaddeedu tahay OP/NSA/246/021oo soo baxday 2-Dec-2021 kuna saxiixan yahay la taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday,  la taliyaha ayaa socodsiinta Waajibaadkiisa shaqo ee ku aaddan Amniga Qaranka waxa uu u xilsaaray Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cabdisiciid Muuse Cali.

No photo description available.

Cabdisiciid Muuse Cali oo ka hor intii aan RW Rooble u magacaabin xilka Wasaaradda Arrimaha dibadda ahaa la taliyaha Amniga Qaranka ee Farmaajo ayaa hadda isku qabanaya shaqada iyo Waajibaadka Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo La taliyaha Amniga Qaranka ee Farmaajo, sida Fahad Yaasiin ku sheegay xaashidaas sababta Waajibkiisa shaqo ee Amniga Qaranka uu ugu Wareejiyey Wasiirka Arrimaha dibadda ayaa ah waxa uu ugu yeeray joogteynta iyo xasiloonida howsha xafiiska Amniga Qaranka.

Fahad Yaasiin ayaa ku sheegay warqadda uu xilka La taliyaha Amniga Qaranka ugu xilsaaray Wasiirka Arrimaha dibadda in Wasiirku ciyaari doono islamarkaana noqon doono isku xiraha Xafiiska Amniga Qaranka,  Wasaaradaha, Wasiirada, Xukuumadda iyo Hay’adaha Nabadgelyada.

Sharaf ayey u tahay La taliyaha Aminga Qaranka in uu wasiirka Arrimaha Dibadda mudane Cabdisaciid Muuse Cali u xilsaaro arrimaha la xiriira amniga Qaranka Soomaalia” ayuu yiri Fahad Yaasin, isaga oo qoraalkiisa ku sheegay in  Go’aankan loo qaatay danta sii joogteynta iyo xasilloonida

May be an image of 1 person and text

Xasaanad siyaaasadeed iyo gabbaadka eedaha Ciqaabta & Madaniga:

Fahad Yaasiin Xaaji waxa uu udub dhexaad u ahaa xiisaddii siyaasadeed oo dhex martay madaxweynaha muddo-xileedkiisa dastuuriga ah uu dhammaatay iyo Ra’iisul Wasaaraha xil gaarsiinta oo ka dhalatay sarkaal ka tirsan NISA oo la afduubay, la dilay kaddibna Fahad Yaasiin  lagu tuhmay laguna eedeeyey in uu ku lug lahaa fal-dembiyeedka, taas oo sababtay in laga qaado xilka Hay’adda taliyaha NISA.

Farmaajo ayaa la aaminsan yahay in uu ku kacay is-hortaagga Caddaaladda kaddib markii uu xilka La taliyaha Amniga Qaranka u magacaabay Fahad Yaasiin oo ehelada Ikraan Tahliil ku fureen gal-dacwadeed lid ku ah, dhanka kalena u baahan in uu xeydaabka dowladda ku sii jiro si uusan u lumin xiriirkiisa siyaasadda iyo sirdoodnka dibadda.

Eedeynta ah in xilka dowladda looga gambanayo caddaaladda oo aad loo hadal hayay ayaa waxaa caddeyn ka dhigaya tallaabadan qar iska tuurnimada ah ee uu Fahad shaqadii xafiiskiisa kula wareejiyay wasaaradda arrimaha dibadda, isagana uu la haray xilkii oo kaliya, taasina waa sababta eedeysanayaal iyo dad galay dembiyo ciqaab ah ama kuwo madani ah ay ugu xusul-duubayaan in ay helaan xilal dowladeed iyo xasaanad Baarlammaani ah iyaga oo u haysta in xilalkaasi ka badbaadi karaan in la eedeeyo, la maxkamadeeyo laguna rido xukun

Garyaqaan Cali Sheekh Aadan oo kamid ah garyaqaanada Soomaaliya ayaa yiri: “Qofka eedeysanaha ah xil waa qaban karaa sababta oo ah eedeysanuhu waa qof beri ah ilaa xukun kama dambays ah ku dhaco Q. 35/1 ee Dastuurka KMG iyo Q.13 XHCS balse ma jiro xil qofka ka difaacaya eedeyn haddii ay noqoto in la maxkamadeeyo, keliya waxaa jira habraac gaar ah oo loo maro Maxkamadaynta dadka haya xil xasaanad leh

Fahad Yaasiin ayaa ku eedeysan isku dayga khaarijinta madaxweynayaal hore oo guryahooda lagu weeraray, la isku dayay in shil diyaaradeed lagu dilo, rasaaseyn mudaharaadayaal Muqdisho iyo Beydhabo, hurinta dagaallo, dhiibista muwaadiniin loo dhiibay dalal Shisheeye ah iyo kudhowaad 5 Kun oo dhallin yaro ah oo si aan Sharci ahayn loogu tahriibiyey Waddanka Keligu talisku la degey ee Eretria kuwaas oo loo tababaray si dalka Soomaaliya dib loogu soo celiyo dowlad Keligi-talis ah.

Msutaqbal ayaa fahansan in La taliyaha Amniga Qaranka ee shaqadiisa wareejiyay uu xusul duub ugu jiro hanashada kurisga summaddiisu yahay HOP086 oo uu u qaatay in uu uga baxsan karo eedaha faraha bada ee loo haysto agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Jahawareerka Hay’adaha Amniga iyo burburka qorshaha xilliga kala guurka:

Ka sokow in go’aankan uusan heysan sharci, arrintan waxay su’aalo ka dhex dhalisay hay’adaha xiriirka la leh xafiiska La taliyaha Amniga Qaranka oo ah isku dubaridaha howalaha amniga iyo xiriiriyaha hay’adaha.

Xafiiska Amniga Qaranka waxa uu madaxweynaha u qaabilsan yahay isku xirka dhammaan hay’adaha amniga dalka sida wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga, Gudaha iyo talisyada ciidanka.

Saraakiil ka kala tirsan wasaaradahan ayaa Mustaqbal Media u sheegay in ay “Garan la’yihiin sida talisayada ciidamada iyo wasaarado idil oo amniga gacanta ku haya ay ugu warbixin doonaan waax rayid ah oo wasaaradda rrimaha dibadda ka tirsan”.

Qorshaha kala guurka oo ay ciidamada AMISOM awoodda kula wareejinayaan kuwa Soomaaliya uu xafiiska Amniga Qaranku gacanta ku hayay ayaa sidoo kale waxa soo wajahaya caqabad dhanka sharciga

Tallaabdan ayaa dib u dhigi karta bixitaan ciidanka AMISOM ee qorsheysan, tababarka ciidanka iyo howlagalladda wadajirka ah.

Ku mashquulidda Fahad ee xal u helidda mustaqbalkiisa siyaasadeed, amni iyo mid nololeedba waxay go’doon siyaasadeed gelisay madaxweynaha xilliguusu dhamaaday maadaama uu ayahay saaxiibka kaliya ee ku soo haray kooxdii 2017 Villa Somalia la galay.

Mustaqbal Media

 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*