January 18, 2022

FIIRSO “Biyo La’an Bahsan oo Ka Jirto Degmada Ceelbaraf ee G/SH/DHEXE

Displaced children carry plastic cans in search of water.

Wararka ka imaanaya Degmada Ceelbaraf ee gobolka Sh/dhexe ayaa  sheegaya in halkaasi ay ka jirto Biyo La’aan baahsan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada ku dhaqan halkaasi.

Mid kamid ah dadka ku dhaqan Degmada Ceelbaraf ee G/SH/DHEXE  oo la hadlay Warbaahinta Ceelbaraf.com ayaa sheegay in xaaladda ay kasoo dari doonto haddii aaney dadkaasi helin wax gurmad ah.

Sidoo kale dadka degaanka ayaa sheegay dadka ku Nool Deegaanada Hoostaga Degmada Ceelbaraf Iyo Gudaha Magaalada  ay ku jiran dhibaato xoogan ayna dadka u bahan yihiin gar gaar deg deg ah, islamarkaana aysan heysan Biyo ay cabaan Oo Ku filan .

Waxaana uu sheegay in ay Jirto Booyad biyo lagu keenay waxaana laga siiyaa 20litar lacag ku dhaw 0.7 sent USD ama 15000 Shilin somali.Sida uu  sheegayo  Booyada Biyaha Waxaa iska leh milkilaha ceelka biyaha laga siiyo magaalada ceelbaraf kaasi oo la sheegay in uu dhan kale uga faaiidayo shacabka ku nool Degmada Ceelbaraf.

Dhanka kale mar aan wax ka weeydiinay shacabka maxay tahay sababta kaliftay in magaalada biyo laga waayo ,waxaana uu inoo sheegay in lagu yiri waxaa diidan alshabaab balse wax war ah lagama hayo in ay diideen in uu ceelka shaqeeyo.

sidoo kale waxaa uu sheegay in sualo laga weeydiiyay milkilaha ceelka iska leh sababta iyo cilada jirto hase ahaatee waa uu ka gaabsaday wax warbixin ah kama siin dadka ,Hase ahaatee waxaana uu shaqada u rogay dhanka kale waxaana uu bilaabay in uu biyaha ka iibiyo si ka duwan sidii hore.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Waxgaradka Degmada Ceelbaraf .Waxaa nasiib daro ah degmo dhan in ay ka dhacdo biyo la,aan baahsan .

 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*