January 18, 2022

Al-Shabaab Oo Weerar Gaadm ah Ku Qaaday Deegaano Hoostaga Degmada Balcad ee G/SH/DHEXE


Wararka laga Helayo Degaan ka Tirsan Degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta rag ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Qalimow oo waqooyi ka xiga degmada Balcad ee gobolkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa isheegay in weerarka, kadib uu xigay dagaal foolka fool ah oo dhex-maray xoogagii weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ee ku sugnaa halkaasi.

Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkaasi ayaa guullo ka sheegatay, waxaana ay shaacisay inay la wareegtay gabi ahaan gacan ku heynta deegaankaasi oo muhiim u ah isku socda magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Warka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa intaasi kusii daraya in dagaalyahanada fuliyey weerarka ay cagta mariyeen saldhiggii ciidamada, ayna ka qaateen saanad milatari.

Ku dhawaad 3 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa lagu dilay weerarkan, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo HirShabelle oo ku aadan dagaalka saaka ka dhacay halkaasi.

 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*