January 18, 2022

Maxay Kawada Hadleed Madaxweeyne Saciid Deni Iyo Safiirka Imaaraadka Carabta?


Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa  Muqdisho ku Kula Kulmay Safiirka Dowladda Imaaradka Carabta ee Soomaaliya, Maxamed Axmed Cuthmaan.Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka garab istaaga iyo gurmadka ay u fidiyeen dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen.

Safiirka ayaa dhankiisa waxaa uu ku amaanay Madaxweynaha Puntland doorkii uu ka qaatay shirkii Golaha wadatashiga ee ka qabwoomay Muqdosho, kaas oo laga soo saaray heshiis ku saabsan doorashada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho waxaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato Wakiilada Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*