January 18, 2022

Guddoomiyihii Guddiga Doorashada Galmudug Oo Xilka Qaadis Lagu Sameeyay


Guddoomiyihii Guddiga hirgelinta doorashada SEIT ee dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Daahir Guuleed ayaa xilka qaadis lagu sameeyay, kadib markii Maanta kulan ay yeesheen xubnaha Guddigaas doorashada.

Xubnaha Guddiga doorashada Galmudug ayaa Cod gacan taag ah xilkii uga qaaday Guddoomiye Maxamed Daahir Guuleed oo muddo xilkaas haayey, isla markaana waxaa xubnaha Guddiga doorteen Guddoomiye cusub.

Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha Guddiga ay Guddoomiyaha cusub ee Guddigaas u doorteen inuu noqdo Maxamed Qaasim Maxamuud oo horey u ahaa Xoghayaha Guddiga.

Guddiga hirgelinta doorashada SEIT ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaaciyay inay dardar-gelin doonaan doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda, iyada oo la raacayo heshiiskii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Guddiga Doorashada Galmudug.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*