January 18, 2022

Toogasho Ka Dhacay Magaalada Baladweyne Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeysa


Wararka laga Helayo Magaalada Beledweeyne ayaa Sheegaya Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan qeybta 27-aad  lagu dilay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Dadka Deegaanka  ayaa sheegay in Askariga ay dileen rag hubeysan oo maleeshiyaad ah, wuxuuna falkaas uu si gaar ah uga dhacay Bar koontarool oo ku taalla meel ku dhow Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweeyne.

Sida Ay  Sheegayaan. Ilaha xog ogaalka  in dilka loo geystay Askariga uu ka dambeeyay, kadib markii muran kooban uu Askariga iyo maleeshiyaadka hubeysan soo kala dhex-galay, iyagoona isku qabsaday Mooto Bajaaj laga sii daayay Bar koontarool.

Ciidamo ka tirsan Milateriga dowladda ee qeybta 27-aad ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay, iyagoona halkaas ka qaaday Meydka Askariga la dilay, waxaana goobta isaga tegay sida Shegay  raggii ka dambeeyay falkaas.

Dhawaan ayey aheyd markii Dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka iyo rag hubeysan oo maleeshiyaad ah uu ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana halkaas dhowr jeer oo horey uga dhacay dilal loo geystay Askar.

 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*