January 18, 2022

Maxaa Ka Soo baxay Kulankii Madaxweynaha Hir-Shabeelle & Safiirka Itoobiya?


Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Danjire Cabdifitaax Cabdullaahi Xasan.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay Arrimaha Amniga gaar ahaan iskaashiga iyo xooginta howlgalada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab, iyo dardargalinta dhameystirka doorashooyinka Dalka.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe ayaa uga mahad celiyay danjiraha sida dowladda Itoobiya uga qeyb qaadaneyso howlgallada dalka looga saarayo Ururka Al-Shabaab.

Si kastaba Ha ahaatee Kulkaasi ayaa u Muuqda mid la doonayo in doorashada HirShabelle lagu farageliyo Madaama Farmaajo uu Gacan saar la leeyahay Itoobiya.

Sidoo kale Safiirka Itoobiya ayaa Doonayo in uu Talo Iyo Tusaale ay Ka Geeysato  Doorashada HirShabelle .

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*