January 18, 2022

Guddoomiyaha Midowga Afrika oo fariin xasaasi ah u soo diray madaxda Soomaalida


Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa soo dhoweeyay jadwalka cusub ee doorashada Soomaaliya kadib shirkii wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka dhacay.

Faki ayaa sheegay inuu dhiirigelinayo go’aanka Golaha wadatashiga Qaran ee Somalia ee ah in doorashada Aqalka Hoose si xor oo daahfurnaan ah lagu soo gabagabeeyo 25-ka Febraayo wuxuuna ugu baaqay iney ilaaliyaan jadwalka cusub.

“Talaabadan ay qaadeen madaxda Soomaalida waxay si buuxda u ixtiraamaysaa heshiisyadii Doorashada ee Sebtembar 17, 2020, iyo May 27, 2021, heshiisyada iyo habraaca doorashada Oktoobar 1, 2020, iyo Ogosto 24, 2021” ayuu yiri Moussa Faki Mahamat.

Guddoomiyaha Midowga Afrika Faki waxa uu ku celiyay mowqifka Midowga Afrika ee ah in doorashooyinku noqdaan kuwa lagu kalsoonaan karo taasoo muhiim u ah Soomaaliya iney yeelato hogaan dowladeed oo sharci ah.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*