November 28, 2021

Maxaa Ka Mid ah shanta Qodobada ee Muranka Dhaliyay doorashada dalka ?

August 24, 2021 F.G 0

Shirkii ay Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, 21-kii iyo 22-kii bishan, waxa ay ku heshiiyeen hab raaca doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ee soo aaddan. Shirkaasi Waxa ay   madaxda ku sheegeen in ay ku dhammaystirayaan go’aannadii midkii ay yeesheen 29-kii bishii June. Waxay sheegeen in kullankan ugu dambeeyay uu yahay mid ay si gaar ah ugu dhammaystirayaan habraacyada doorashada. Arrimaha ay madaxdii shirtay ka wadahadleen waxaa ka mid ahaa, habraacyada dhiirrigelinta daahfurnaanta, maamulka maaliyadda, xulista ergada, amniga doorashada iyo habraaca ilaalinta qoondada haweenka. Sidoo kale waxay madaxda isla soo qaadeen in habraaca doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ee Somaliland xal laga gaaro.   Haddaba qodobadii ay madaxda ku heshiiyeen waxaa ka mid ah dhowr arrimood oo guux badan ka dhex abuuray qaar ka mid ah musharraxiinta xilka madaxtinimada Soomaaliya u loolamaya, kuwa u tartamaya Golaha Shacabka iyo odayaashii soo xuli lahaa ergada xildhibaannada cusub soo dooranaysa. 1 – Xulista ergooyinka doorashada iyo kooramka Madaxda Golaha Wadatashiga waxa ay isku raaceen in ergada doorashada ee 101-da ah ee dooranaya xildhibaannad Golaha [Sii aqri]

Qorshaha khaarijinta Ikraan Tahliil Waxa Soo Maleegay Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis

July 22, 2021 F.G 0

Xog rasmi ah oo aan ka helay saraakiil sarsare oo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda in muddo ahna aan dabo socday xaqiijinteeda waxay sheegaysaa in mar hore la dejiyay qorshaha lagu khaarijinayo Ikraan Tahliil. Ikraan oo dalka ka maqneed markii shirqoolka loo maleegay ayaa lagu qarash gareeyay boqolaal kun oo dollar iyo balanqaadyo been ah si dalka dib loogu soo celiyo loona khaarijiyo.   Ikraan markii dalka ay ku soo laabatay isla markiiba waxaa la xaddiday dhaqdhaqaaqeeda, waxaana loo xilsaaray dabaggalka iyo la socodka Ikraan Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir Yaasiin Farey. Wuxuuna ahaa qofkii ugu dambeeyay ee Ikraan ay wada hadleen kahor inta uusan go’in xiriirkeeda.   Qorshaha khaarijinta Ikraan oo markii hore la rabay in la qariyo ayaa markii qoyskeeda qaylodhaantu ka soo yeertay Fahad Yaasiin isku dayay in uu Alshabaab lacag ku siiyo si ay u sheegtaan dilka Ikraan Tahliil lkn waa guul dareystay isku daygaas kadib markii ay soo farageliyeen sida la sheegay saraakiil sarsare oo Alshabaab ka tirsan qaraabo dhawna ay yihiin Ikraan.   Sababta Ikraan in la dilo loo [Sii aqri]

Sidee ku ogaan kartaa in telefoonkaaga la jabsaday Ama aan La jabsan?

July 12, 2021 F.G 0

Telefoonkaagu dabka ma uga dhamaadaa si degdeg ah? Xirmooyinka internet-kaaga se si dhaqsaha ma u dhamaadaan? Astaamaha noocaas ah ee telefoonnada ayaa muujinaya in lagula wadaago oo ay galaangal u leeyihiin burcadda tiknoolajiyadda. Qaabka ay burcadda u jabsadaan telefoonnada ayaa maalinba heer jooga, waxaana mararka qaar adag in la fahmo. “Waxaa dhici karta in uu badan yahay isticmaalkaaga internet-ka, balse haddii uusan badneyn oo ay data-da si degdeg ah kaaga dhamaato, waxaad u baahan tahay in aad hubiso ammaanka telefoonkaaga,” ayay sheegtay shirkadda Norton ee ammaanka qalabka tiknoolajiyadda. Norton ayaa sidoo kale sheegtay in haddii batariga telefoonka uu si aan caadi ahayn dabka uga dhaco, ay taasi muujinayso in la jabsaday telefoonkaaga. Kaspersky oo ah shirkad kale oo ka shaqeysa sugidda ammaanka kombiyuutarrada ayaa sheegtay in batariga telefoonka uu si weyn u shaqeyyo, maadaama kuwa wax jabsada ay adeegsadaan apps kala duwan oo u baahan dad badan. Labadan shirkadood ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in qofka uu si dhaw uga warqabo telefoonkiisa oo uu hubiyo in aysan jirin apps uusan la soo degin [Sii aqri]

Farmaajo Iyo Rooble Oo Caqabad ku ah Xal Raadinta uu Wado Shiiq Shariif ee Xiisada Jowhar Iyo Beledweeyne

July 1, 2021 F.G 0

Sida Warbixinada laga helayo xafiska  Ra’iisul Wasaaraha Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa la filayaa in dhowaan dowladda Soomaaliya ay guddi u dirto magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, kuwaasoo ka shaqeeya sidii loo xalin lahaa cabashada ay maamulka HirShabelle ka qabaan beesha Xawaadle. Wafdigan la dirayo ayaa qeyb ka ah qorshe ay dowladda uga hortageyso olole uu waday Sheekh Shariif oo ku aadanaa xal u raadinta xiisadda ka dhex oogan Madaxweyne Guudlaawe iyo beesha Xawaadle. Xogta ayaa tilmaameysa in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu ka dalbaday Xukuumadda Xilgaarsiinta Ra’iisul Wasaare Rooble ay ka shaqeyso sidii uu maamulkiisa ku tagi lahaa Magaalada Beladweyne oo la filayo in lagu soo doorto qeyb ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya. R/Wasare Rooble ayaa maalmahaan bilaabi doono in uu la kulmo siyaasiyiinta iyo odayaasha Beladweyn,e gaar ahaan kuwa beesha Xawaadle, waxa uuna kala hadli doonaa in la dhameeyo diidmadooda ku aadan maamulka cusub ee HirShabelle. Dhanka kale Beesha Xawaadle ayaa Madaxweyne ka aheyd 4-tii sano ee la soo dhaafay maamulka HirShabeelle ayaa ku doodaysa in mar kasta kursiga Madaxweynaha gaar [Sii aqri]

Farmaajo 4 Sano Kadib, Sidee u Eg Yahay Garsoorka Federaalka, Banaadir iyo Dowlad Goboleedyada?

June 25, 2021 F.G 0

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, markii uu xilka qabanayey 4 sano ka hor waxaa uu ballanqaaday dib u habeynta garsoorka iyo ka shaqeynta caddaaladda, waxaa hadalladiisa ka mid ahaa “Mar dambe dhici meyso , oo anaa ballan-qaaday, oo dowladda ayaa ballan qaadday,  qof Soomaaliyeed intuu hor-tago maxkamad caddaalad darro lagu sameeyo, howshaasi waa waxyaabaha dalkani meesha uu taagan yahay gaar siiyay, oo ilaahey noogu carooday, oo aan adduunka uga hooseyno , Labo qof iyo saddex qof oo xun, ka yeeli meyno in magaceenna isticmaalaan ummadda Soomaaliyeed duleeyaan oo dhibaato u geystaan oo xaq-darro ku sameeyaan u adkeysan meyno”. Farmaajo waxaa loo dhiibay dal federal ah, iyada la sameeyey sharciga adeegga garsoorka, waxayna ahayd inuu dhammeystiro: (1). Dhammeystirka qabyo qoraalka dastuurka (2). Dhismaha Maxkamadda dastuuriga (3). Dhismaha Golaha adeegga garsoorka (4). Sameynta Xeerka nidaamka garsoorka federaalka ah iyo arrimo kale oo muhiim u ah madaxbannaanida garsoorka dalka. 4 sano uu Farmaajo joogay, Muxuu ka qabtay Garsoorka? Doorashadiisa kaddib, wuxuu wacad ku maray isbeddel xagga garsoorka ah, isagoo kusoo koobay shaqadiisa oo dhan inuu maxkamadaha [Sii aqri]

Cilmibaaris Kafeega Ama Bunka Oo La Ogaaday in uu Yareyn Karo Halista Cudurrada ku dhaca beerka

June 23, 2021 F.G 0

Daraasad cusub oo ay sameeyeen jaamacado ku yaalla Dalka  Britain ayaa lagu ogaaday in cabidda kafeega in ay yareyn karto halista xanuunada ku dhaca beerka. Waxaana cilimi baaristan sameeyay jaamacadaha kala ah Southampton iyo Edinburgh, kuwaas oo ogaaday in cabidda kafeega ee saddex ilaa afar koob maalinkii, ay yareyn karto halista ah in qofka uu ku dhaco xanuun waxyeelleeda beerka. Cilimibaarayaasha ayaa darasaadda ku beegsaday ku dhawaad nus milyan qof oo ku nool gudaha UK, waxayna ogaadeen in boqlkiiba 21 uu cabidda bunka yareyn karo halista cudurrada ku dhaca beerka halka boqolkiiba 49 uu wax ka qaban karo xaaladda qofka la il-daran cudurradaas, marka la barbardhigo dadka aanan cabin bunka. Waxaa aad sare ugu kacay cabidda kafeega, maadama dad badan ay jecel yihiin si ay nashaad u dareemaan. Waxay sidoo kale ogaadeen waxtarka isticmaalka bunka aanan laheyn maaddada keenta nashaadka ee qofka ka qaada hurdada iyo caajiska ee Caffein-ta. Waxaa la arkay in uu sidoo kale uu kafeega yareyn karo halista cudurrada beerka ee ku dhaca xoolaha, sida lagu sheegay daraassadda. Nooc ka mid ah [Sii aqri]

Madaxweeynihii Ugu Masuq-Maasuqa Badnaa ee Somaliya “Farmajo Hal sano ayuu Keenay Xisaab xer 3sano Hasheegin”

June 18, 2021 F.G 0

Madaxweynaha mudda xilleedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, xilliga uu musharax madaxweyne ahaa iyo kadibba waxaa uu sameeyey ballan-qaadyo adag, kuwa ugu muhiimsan waxaa ka mid ahaa la-dagaalanka musuqa, taas oo ay aheyd sababta ugu weyn uu ku guuleystay, laakin 4 sano kadib iyo hadda oo uu waqtigii ka dhacay, waxaa xaqiiq noqotay in ballan-qaadkaas  fulintiisa uu ku dhacay, iyada oo canshuur bixiyeyaasha Soomaaliyeed iyo deeq-bixiyeyaasha caalamkaba ay ka sugayaan xisaab celinta lacago lagu aaminay iyo mid aan lagu ogeynba, kuwaas oo aan la la’hayn meel ay ka baxeen. Farmaajo: Musuqa Waan Beegsanayaa: Khudbaddii murashax madaxweyne Farmaajo 2017 ka hor-jeediyey labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah waxaa anta yiri “Walaalayaaloow mudanayaal iyo marwooyin anta idoorataan, musuqmaasuqa waa beegsigeyga ugu horreeya  waa la dagaalamaynaa  si fool xunna waan ula dagaalamaynaa ,  qofkii hantida qaranka ku takri fala  umaddana waan ku ceebaynaynaa,  xabsi dheerna waan u diraynaa “. Inkasta oo hadalkaas laga qoray hadana waxaa uu ku dhacay imtixaankii ugu horeeyey uguna muhiimsanaa ee isla xisaabtanka iyo kahortagga musuqa isaga oo miisaaniyadihii baarlamaanka u ansixiyey aan soo [Sii aqri]

SAWIRO:Dr Axmed Xalal Oo Shaqa Cafimaad Ka Haya Degmada Ceelbaraf howlo Caafimaad iskugu jira indha-baaris iyo indha-fiiqis.

June 14, 2021 F.G 0

Wararka aan Ka Heleyno Istibitaalka Guud ee Degmada Ceelbaraf G/sh/dhexe ayaa Sheegaya in ay Si Wanaagsan u socoto Shaqada uu Ka Hayo Dhaqtarka Indhaha Dr Axmed (Xalaal) . Tan Iyo Markii uu ka shaqa bilaabay dhaqtarka ayaa u sameeyay shacabka ku nool degmada Ceelbaraf iyo deegaanada ku dhaw dhaw baaritaano iyo qaliin dhanka indha -fiiq ah  waxaana uu dhaqtarka uu sheegay in uu ku guuleeystay baaritaanadii uu sameeyaya iyo dhankii qaliinka ahaa Waana Ilaahay Mahadii. Dr axmed Xalal ayaa yiri”Shaqada Isbitaalka Guud ee Degmada Ceelbaraf Si Wanaagsan ayay u socotaa waana ku guuleeysanay Shaqadii aan u Tagnay Sidoo kale Waxa aan Mahad Balaaran u Jeedinayaa Dadka Ku Nool Deegmada Ceelbaraf Iyo Dhamaan Inta Dibeda Jirto Kuwaasi Oo Ka Qeeyb qaatay In aan Si Wanaagsan u fuliyo shaqada aan halkaan u soo gaaray “ Dhanka Kale Dr Xalal ayaa Bartiisa Facebook ku qoray sidan: Degmada Ceelbaraf ————— Waxaan baryahan ka waday isbitaalka guud ee Degmada Ceelbaraf howlo iskugu jira indha-baaris iyo indha-fiiqis. Ceelbaraf waa deegaanki aan kusoo koray, waxaan ku noolaa intii ey da’deydu u dhaxeysay [Sii aqri]

Mid ka Mid ah Xidiga Caalamka oo Isbitaal casri ah ka dhisaya Tuulada uu ku dhashay

June 14, 2021 F.G 0

Xidiga Qaranka Senegal iyo kooxda kubada cagta ee Liverpool Sadio Mané ayaa mashaariic waa weyn oo loo riyaaqay ka fulinaya dalkiisa gaar ahaan tuulada uu ku dhashay kuna soo bar baaray. Sadio Mané oo dalkiisa dib ugu laabtay ayaa la kulmay Madaxweynaha Senegal Maky Sall, waxa uuna xidagan kala hadlay Madaxweynaha mashaariic uu damacsan yahay in uu ka fuliyo dalkiisa gaar ahaan deegaanka uu ku dhashay. Laacibkan ayaa Madaxweynaha u sheegay in uu qorsheenayao in isbitaal weyn oo si casri ah loo dhisay ka hirgaliyo Tuullada uu ku dhashay ee Banbal halkaas oon laheyn wax isbitaal ah ayna ka jirto baahi caafimaad. Sadio Mane ayaa bixiyay lacag gaareysa 700,000 oo Dollar, oo loogu tala galay in lagu dhiso isbitaalka casriga ah ee laga hirgalinayo tuulada uu kasoo jeedo si isbitaalkaasi u daboolo baahida caafimaad ee halkaasi ka jira. Xidigan sumacada badan ku leh kubada cagta ayaa horey sidaan oo kale dalkiisa uga fuliyay mashaariic badan oo bulshada faa’iido leh sida dhismaha goobo waxbarasho , waxa uu sidoo kale taageeraa caruurta kunool tuulada uu kasoo jeedo [Sii aqri]

SAWIRO:Dr Axmed Xalal Oo Si Wanaagsan Uga Shaqa Bilaabay Isbitaalka Guud ee Degmada Ceelbaraf

June 13, 2021 F.G 0

Sida aan Wararka Ku Heleyno ayaa Sheegay in Degmada Ceelbaraf ee G/SH/DHEXE uu Shaqo Caafimaad ah uu ka Bilaabay Dr , Axmed Maxamed (Dr Xalaal) Iyo Dhaqaatiir kale Oo la socday . Dr , Axmed Maxamed (Dr Xalaal) Ayaa Si Rasmi ah uga Shaqa Bilaabay Isbitaalka Guud ee Magaalada Ceelbaraf  Taarikhda Marka aheeyd   12/6/21 .  Sida ay Warbixintu  Sheegtay Dhaqtarka ayaa baaritaan Caafimaad dhanka Indhaha Iyo Qaliino ku sameeyay Bulshada Ku Nool Degmada Ceelbaraf Iyo Deegaanada Ku Dhaw-dhaw. Mid ka mid ah shacabkii ka faaideeystay Dr Xalaal ayaa Yiri”Marka hore Aniga waan ka faaiiday  Baaritaankii la ii sameeyay waxaana mahada iska leh ilaahay  Marka labaad Dr xalaal Iyo Dhaqaatiirka kale ee la socota. balse waxa aan leeyahay Dadka Wax garadka ah ee ku nool Ceelbaraf in ay qadariyaan shaqada uu Dhaqtarka u Hayo Bulshada ayna Ka Faaideeystaan. Hadii Maanta aan Muqdisho aadi lahaa waxaa aan Bixi lahaa Qarash aad u  badan Ugu yaraan 200$ lakin Nasiib Wanaag Dr Xalaal ayaa halkaan ka helay. Waana dhaqtarkii aan u safri lahaa, Mide kale Waxa aan leeyahay Dhaqtarka [Sii aqri]

1 2 3 4 40