November 28, 2021

Qiso Xanuun Badan.Nin Xaaskisa Dulmin Jiray Oo La Kulmay Arrin Ka Yaabisay””””

January 13, 2017 F.G 0

Waa sheeko Mudan in lagu Cibri qaato una Baahan in aan qofka Baniaadmka ah aan lagu xad Gudbin  qofkii la dulmiyana waxaa u wanaagsan in uu ilaahay u bandhigto arinkiisa asiga ayaa Dacwad qade ahee, Waxaa jiri jirtay inan yar oo agoon ahayd oo hooyadeed ahayd cidda keliya ee adduunka u joogta, waxaa guursaday ina’ adeerkeed. Laakiin waxa uu ku noqday nin qallafsan oo dulmi badan u geystay, isaga iyo ehelkiisuba waxa ay xumeeyeen inantii oo ay ula macaamileen sida adeegto iyaga u shaqaysa. Waxaa u dheeraa aflagaado iyo gacan ka hadal badan. waxa ay intaas ku dartay, Gabartii  marka ay dareento in dulqaadkii iyo adkaysigii ka dhammaanayaba waxa ay tegi jirtay halka ay adduunyada ugu jeclayd oo ahayd gosha hooyadeed, si ay maalintaa ugu soo nafisto, naftana u tusto in ay jirto cid ay agteeda qiimo ku leedahay.  Hooyadeed oo taag darrada da’da ay u raacday xanuunka dayaca ku helay waxa ay arkaysay in aanu u furnayn jid kale oo aan ahayn in ay inanteeda ku waaniso in ay gurigeeda iska haysato Alle hortiina [Sii aqri]

Maxaa Kala Dhex Maray Ninkii Dalxiisaha Mareykanka Ahaa Iyo Odaygii Caaqilka Muslimka Ahaa.

January 5, 2017 F.G 0

Nin u dhashay Dalka Maraykan ayaa tuulo ka mid ah dalka Turkiga u dalxiis tegay ,waxaana uu tuuladaasi dadkii degenaa weydiiyay ninka u caqliga badan tuuladan inay u tusaan. Waxay u geeyeen nin Muslim  ah Oo Alle Ku xiran oo guri yar ku jira , kaasi oo ay u yaaleen kutub iyo gogoshii uu ku seexanayay oo keliya. Ninkii Maraykank ahaa oo yaaban ayaa ku yiri “ Oo Meeday alaabtii guriga ku taalay “? Odaygii  ayaa ku yiri oo adiga taadii Meeday ? Ninkii dalxiiska ahaa ayaa ku jawaabay anigu waxaan halkan ku joogaa dalxiis, waxaan ka imid dalka Maraykanka oo aan u dhashay alaabtaydiina halkaas ayay taallla.. Ninkii Odayga  ahaa ay ku yiri “ Aniguna sidaada oo kale ayaan ahay halkan dalxiis ayaan ku jooga “. Ninkii Maraykanka ah oo yaaban oo aan weli jawaabin ayuu haddana raaciyay “ Miskiin Banii’adam waa dalxiisaha dunidan oo wakhti yar joogaya, hadaan wuu isku mashquulinayaa, oo wahktigiisa badankiisa ku bixinaya”” Marka alaabtaydii waa cabsida Allah (sw) ee aan iga hayreyn markaan hoygagii runta ahaa gaaro.ee halkan ku Nasnayaa

Sheeko Xiiso Badan:- Muxuu Sameeyay Ninkii Safarka Ahaa ee La Kulmay Dadkii Saboolka Ahaa..

December 20, 2016 F.G 0

  Goor Maqribnimo ay tahay ayaa waxaa yimid Nin reer Miyi ah oo Sita tiro 50geel ah, Tuulo yar oo ay Deggen yihiin Dad aad Sabool u ah, Rabana iney Dhameystirtaan Masjid Qabyo ka ahaa, mudana Qarash loo weysnaa. Salaadii Maqrib markii la Tukaday oo Ninkii 50ka geela lahaana uu Tuuladii yareed kula Tukadey Ragii Magaalada daganaa, ayaa waxaa Makroofankii qabsadey oo Muxaadaro Cajiiba ka jeediyey Wadaad Tuulada Diinta Bari jiray, Hawlaha Masjidkana u Xilsaarnaa Walwalna ayku haysey sidii Masaajidka loo dhameeystiri lahaa ayaa wuxuu Qudbadiisii kusoo daray Qofkii Alle dartii wax ula baxa Alle wuu u Laba laabaa wixii uu Qofku bixiyey, wixii uu bixiyeyna Bedelkeed ayuu ugu kordhiyaa, (Hadaad 5 la baxdo Alle 10 buu kaaga dhigaa, 1000 hadaad bixiso 2000 buu kaaga dhigaa), Ninkii 50ka geela watey oo ahaa Nin iimaankiisu iska fiican yahay ayaa waxaa galay Damac ah Kaalay 50kaan geela ee aad wadato maad Masjidka siisid haku dhistaan iyaga, Adigana Rabbi wuu kuu Labo laabi doonaa, wuxuu Alle kaaga dhigi doonaa 50kaan Geela 100 Geel. Ninkii baa Hadalay oo yiri:- [Sii aqri]

1 2