October 23, 2021

Cristiano Ronaldo Oo Digiin Adag U Diray Tababarahiisa Markii Uu Kaydka Dhigay Kulankii Everton.

October 16, 2021 F.G 0

Xiddiga Man United ee Cristiano Ronaldo ayaa tababarihiisa koxoda ee Ole Gunnar Solskjaer u sheegay in uu doonayo in uu ciyaaro kulan kasta oo horyaalka premier League xilli ciyaareedkan. Xiddiga reer Portugal ayaa fariintan u diray tababarihiisa kadib markii uu kaydka dhigay kulankii Everton ee horyaalka premier League ee ka hor fasaxii xulalka. ilo wareedyo ku dhaw xiddiga ayaa sheegaya in uu aad uga niyad jabsanyahay in kaydka la dhigay kulankii Everton waliba uu doonayo in uu ciyaaro kulan kasta oo horyaalka ah. Ilo wareedyada ayaa sheegay in uu Cristiano Ronaldo tababarihiisa u sheegay”Taam ayaan u ahay in aan ciyaaro kuna bilowdo kulan kasta oo premier League ah”. Cristiano ayaa ku soo labanaya Man United kadib markii uu 4 gool soo dhaliyay kulamadii waajibaadka xulka qarankiisa Portugal kuna jirto saddexley uu u dhaliyay xulkiisa kulankii Luxembourg.

Ciyaartooyda u dhashay Dalka Jabuuti ee iska dhiibay Faransiiska

September 20, 2021 F.G 0

Saddex ciyaartooy oo ka tirsan xulka qaranka ee Jabuuti ayaa magangelyo ka codsaday dalka Faransiiska halkaas oo muddo toddobaad ah ay ku sugnaayeen garoonka diyaaradaha ee Paris. Mid kamid ah ciyaartooydan ayaa loo ogolaaday in uu ka baxo garoonka, Nasrudin Cabdi Abtidoon ayaa ka baxay garoonka Orly ee Paris kadib markii uu ku guuldareystay in uu raaco diyaarad ku wajahneyd Morocco halkaas oo ay kula ballansanaayeen xulka qaranka Niger xilli ay socotay ciyaaraha isreeb reebka Koobka Adduunka. Horraantii bishan ayay aheyd markii xulka qaranka Algeria ay 8-0 kaga badiyeen Djibouti. Ciyaartooyda xulka qaranka Jabuuti ayaa sii maray Faransiiska si ay u gaaraan Morocco maadama Algeria ay xiriirka diblumaasiyeed u jartay dalalka ku yaalla waqooyiga Afrika, waxaana adkeyd in loo safro Morocco. Niger waxay ka badisay Jabuuti, waxaana Jabuuti xilliggaas guri u ahaa Morocco maadamada xiriirka kubadda cagta adduunka uu sheegay in Jabuuti aysan laheyn garoon u qalabeysan ciyaar caalami ah. Dhawaan ciyaartooyda kala ah Bilal Xasan iyo Abuubakar Cilmi ayay dowladda Faransiiska ku amartay inay isaga baxaan garoonka. Waxaana saddex ciyaartooy la siiyay muddo saacado [Sii aqri]

Wakiilka Paul Pogba Oo Xaqiijiyay In Uu Xiddigu Ka Tagi Karo United & Kooxda Uu Ku Biiri Karo Uu Kashifay

September 18, 2021 F.G 0

Wakiilka Paul Pogba ee Mino Raiola ayaa sheegay in uu xiddiga reer France Ku laaban karo kooxda Juventus xagaaga dambe. Heshiiska Pogba ee Man United ayaa dhici doona xagaaga dambe sidaas darteed waxa uu heshiis la gali karaa kooxda uu doonayo suuqa January waliba qaab xor ah uga tagi kara kooxda dhamaadka xilli ciyaareedka. Xiddiga reer France ayaa xidhiidh fiican la leh kooxdiisii hore waxana uu Mino Raiola qirtay in uu xiddigu ku laaban karo kooxda Juventus xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedka. Mino Raiola oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Heshiiska Paul Pogba waxa uu dhici doona xagaaga sidaas darteed waxa aan ka hadli doonaa waxa dhaca”. “Wali Pogba wuu jecelyahay Juventus waxana jirta fursad uu ugu laaban karo kooxdaas laakiin arintaas waxa ay ku xidhantahay qorshaha Juventus”

Cristinano Ronaldo oo dib ugu laabanaya Manchester United

August 28, 2021 M.Jo 0

Laacibka Kubadda Cagta Cristinano Ronaldo ayaa dib ugu laabanaya horyaalka Ingiriiskaa, waxaana heshiis la gaartay kooxdiisii hore ee Manchester United, iyadoo weeraryahankan caalamiga ah ee reer Portugal uu dib ugu noqonayo garoonka Old Trafford. “Manchester United waxay ku faraxsan tahay inay xaqiijiso in kooxdu ay heshiis la gaartay Juventus, si loogu wareejiyo Cristiano Ronaldo” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay kooxda Manchester United oo intaas ku daray “Cristiano, oo shan jeer ku guuleystay cabal-marinta Ballon d’Or, wuxuu ilaa hadda ku guuleystay 30 koob oo waaweyn intii uu ku jiray xirfadiisa, kuwaas oo ay ku jiraan shan horyaal oo Champions League ah, afar koob oo FIFA Club World Cup ah, toddoba horyaal oo England, Spain iyo Italy ah, iyo koobka qaramada qaaradda Yurub oo uu dalkiisa Portugal u qaaday.” Manchester United ayaa sidoo kale bayaankeeda ku sheegtay in taageereyaasheedu ay ku farxeen soo noqoshada halyeygoodii hore, kaas oo u dhaliyay 118 gool 292 kulan oo uu u ciyaaray intii u dhexeysay 2003-2009. Ronaldo ayaa khamiistii sheegay inusan dooneyn inuu la sii joogo kooxda Juventus ee [Sii aqri]

R/ Wasaaraha UK oo cambaareeyay falal cunsurimo ah oo lagu kala kacay ciyaartooyda madowga ah

July 12, 2021 F.G 0

Ra’iisul Wasaaraha UK iyo xiriirka kubadda Cagta Ingiriiska ayaa cambaareeyay falal cunsurinimo ah oo la kula kacay ciyaartooyda kala ah Jadon Sancho, Marcus Rashford iyo Bukayo Saka kadib guuldarradii ay xaley uu xulka Ingiriiska kala kulmay ciyaarta kama dambeysta ee koobka Yurub. Talyaaniga ayaa 3-2 rigooreyaal ah kaga badiyay Ingiriiska. Saddex kamid ah ciyaartooyda Ingiriiska ayaa ku guuldareystay inay dhaliyaan rigoorayaasha. Ra’iisul Wasaare Boris Johnson wuxuu ku tilmaamay cunsurinimada la kula kacay ciyaartooydan mid walaaceeda leh oo laga naxo. “Ciyaartooyda xulka Ingiriiska waxay mudan yihiin in loogu yeero halyeey balse ma ahan in cunsurinimo lagula kaco iyadoo loo maraya baraha bulshada” ayuu yirii Ra’iisul Wasaaraha. Dhanka kale xiriirka kubadda Cagta Ingiriiska ayaa sheegay inay garab taagan yihiin ciyaartooyda dhibaatada loo geystay isla markaana waxay ku baaqeen in tallaabo adag laga qaado dadka suurtagalka ay tahay inay ka dambeeyeen arrintaas. Booliska London waxay sheegeen inay baarayaan falalka cunsurinimada ah ee lagula kacay ciyaartooyda. Waxay sheegeen ‘In aanan loo duul qaadan doonin falalka noocaas ah”

Xulka Italy oo iska Xaadiriyay Finalka Euro 2020, kadib Rigoorayaal ay uga badiyeen Spain.

July 6, 2021 M.Jo 0

Xulka Italy ayaa iska xaadiriyay Finalka Euro 2020 kadib guul ay ka gaareen Xulka Spain kulan ka dhacay Garoonka Wembley oo leesla la gaaray rigoorayaal. Qeybta hore ee ciyaarta labada xul ayaa soo bandhigay kubado sare waxana dhoor fursad iska lumiyay xulka Spain kuwaasi oo dhanka baasaska kaga feecanaa dhanka Italy waxana lagu kala nastay goolal la’an. Xulka italy ayaana hogaanka ciyaarta qabtay daqiiqadii 60aad markii xidiga Federico Chiesa uu kubad qurux badan dhex dhigay shaqaba, Spain ayaana heshay goolka bar-baraha Daqiiqadii 80aad Alvaro Morata ayaana kubad dhinaca bidix ka dhigay Goolhayaha Italy kadib markii uu caawan ka helay Daniel Olmo guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-1 waxana lagu daray xili dheeraad ah iyadoo 30 daqiiqo ay ku soo dhamaatay goolal la’an. Ugu dambeyntii xulka qaranka Italy ayaa u gudbay filakna Koobka Qaramada Qaarada Yurub ee EURO 2020, kaddib markii rigoorayaal 4-2 uu kaga adkaaday dhigiisa Spain kulankii afar dhammaadka ahaa ee tartankan.      

Orodyahan asalkiisu Soomaali yahay oo ka mid ah xulka Maraykanka tartanka Olombikada

June 23, 2021 F.G 0

Cabdixakiim Cabdiraxmaan oo ah 44 jir asalkiisu Soomaali yahay ayaa ka mid ah orodyahanada u tartamaya wadanka Maraykanka tartanka Olombikada adduunka oo dhowaan ka furmaya dalka Japan. Cabdirahman waa oradyahankii ugu da’da weynaa ee Mareykan ah ee abid u tartamaka sameeya koox ka socota dalka Maraykanka ciyaaraha Olombikada. “Waxaan ahay 44-jir, waxaanan xubin ka ahay kooxda Olimbikada Mareykanka. Waxaan u maleynayaa inaan ka mid noqon doono dadka ugu da’da weyn tuulada Olimbikada, gaar ahaan dhacdooyinka orodka. Kaliya waxaan matalayaa dhamaan ragga da ‘dhexaadka ah ee banaanka jooga kuwaas oo u maleynaya inaysan tartami karin. ”ayuu yiri Cabdixakiim. Cabdi wuxuu ku dhashay Soomaaliya wuxuu ahaa ilmo yar markii qoyskiisa ay qaxooti ku noqdeen xeryaha qaxootiga. Waxay aakhirkii degeen Arizona oo wuxuu noqday muwaadin Mareykan ah. Waxaan ahay Mareykan Waxaan ku koray halkan, ”ayuu yiri. “Dalkan wuxuu i siiyay wax kasta oo aan nolosha ka doonayay: waxbarasho lacag la’aan ah, shan jeer oo Olombikada ah. Waan u hanweynahay sida Mareykan, waxaan ugu han weynahay sida Soomaalida. Waan ku faraxsanahay labada dal, ”ayuu yiri. “Waxaan u tegey tababaraha [Sii aqri]

Macalinkii Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Shaqada Laga Ceyriyey Iyo Sababta Keentay

June 16, 2021 F.G 0

Xiriirka kubada Cagta Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in shaqada laga ceyriyey macalinkii xulka Qaranka dalka Soomaaliya Cabdiladiif Salef, kaasi xilka tababaranimo haayay wax ka yar seddex isbuuc. Qoraal ay soo saareen xiriirka ee kubadda Cagta Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in tababaruhu yahay mid aan anshax lahayn, isla markaana ku eedeeyay in uusan laheyn xirfad-aqooneed. Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay Macalinkii xulka Qaranka Cabdiladiif Salef in uu si xun ula dhaqmay xiddigaha Qaranka, uuna aflagaadeenayay tan iyo markii uu qabtay xilka tababaranimo. Cabdiladiif Salef Macalinkii Ocean Stars ayaa ahaa Muwaadin reer Belgium ah asal ahaanna ka soo jeeda Morocco, waxaana xilka tababaranimo uu haayay wax ka yar seddex isbuuc. Ciyaartooda xulka Qaranka Soomaaliya ee Ocean Stars ayaa ku sugan dalka Jabuuti, iyagoona isku diyaarinaya in 20-ka bishan la Ciyaaraan xulka Qaranka dalka Cumaan kulan ka tirsan is reeb reebka koobka Aduunka ee Jaamacada Carabta.

Mid ka Mid ah Xidiga Caalamka oo Isbitaal casri ah ka dhisaya Tuulada uu ku dhashay

June 14, 2021 F.G 0

Xidiga Qaranka Senegal iyo kooxda kubada cagta ee Liverpool Sadio Mané ayaa mashaariic waa weyn oo loo riyaaqay ka fulinaya dalkiisa gaar ahaan tuulada uu ku dhashay kuna soo bar baaray. Sadio Mané oo dalkiisa dib ugu laabtay ayaa la kulmay Madaxweynaha Senegal Maky Sall, waxa uuna xidagan kala hadlay Madaxweynaha mashaariic uu damacsan yahay in uu ka fuliyo dalkiisa gaar ahaan deegaanka uu ku dhashay. Laacibkan ayaa Madaxweynaha u sheegay in uu qorsheenayao in isbitaal weyn oo si casri ah loo dhisay ka hirgaliyo Tuullada uu ku dhashay ee Banbal halkaas oon laheyn wax isbitaal ah ayna ka jirto baahi caafimaad. Sadio Mane ayaa bixiyay lacag gaareysa 700,000 oo Dollar, oo loogu tala galay in lagu dhiso isbitaalka casriga ah ee laga hirgalinayo tuulada uu kasoo jeedo si isbitaalkaasi u daboolo baahida caafimaad ee halkaasi ka jira. Xidigan sumacada badan ku leh kubada cagta ayaa horey sidaan oo kale dalkiisa uga fuliyay mashaariic badan oo bulshada faa’iido leh sida dhismaha goobo waxbarasho , waxa uu sidoo kale taageeraa caruurta kunool tuulada uu kasoo jeedo [Sii aqri]

Koobka Kubadda Kolayga ee Janaraal Daauud oo ka furmay Muqdisho

March 9, 2021 F.G 0

Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay Koobka Janaraal Daauud ee Kubadda Kolayga ee Soomaaliya. Koobkan oo ay ka qeybgalayaan 9 kooxood diyaargarowgiisana uu socday muddooyinkii ugu dambeeyay, ayaa waxaa ujeedkiisa lagu sheegay in lagu tayeeyo ciyaartoyda kubadda kolayga ee dalka iyo in laga soo xulo ciyaartoyda xulka qaranka matali doonta, iyadoo ciyaartoyda qaarna ay dibadda ka yimaadeen. Waxaa galabta lagu furay Koobkan oo foodda is daray kooxaha Dekadaha iyo Juba Air, waxaana ay gusha raacday kooxda Dekadaha oo ku badisay 71 dhibcood halka Jubba air ay iyadana heshay 35 dhibcood. Waxaa berri wada cayaari doonaa kooxaha Heegan iyo Wacaaf. Koobkan oo la yirahdo koobka koobabka Soomaaliya ayaa waxaa la bilaabay sannadka markuu ahaa 72-dii. Waxa uu tartanka socon doonaa ilaa 12ka Abriil oo ah maalinta ay Milatariga Soomaaliya u dabaal degi doonaan aasaaskoodii.

1 2 3 18