October 23, 2021

Xildhibaan Fiqi Oo Si Kulul Uga Hadlay Dagaalka Ka Socda degmada Guriceel

October 23, 2021 F.G 0

Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalka maanta degmada Guriceel ku dhexmaraya ciidamada DF iyo kuwa ahlu sunna. Wasiir Hore Fiqi ayaa dhowaan iska casilay xilka Wasiirka amniga Galmudug ka dib markii uu ka hor yimid qorshaha Madaxweynaha Galmudug ee ah in ahlu suna dagaal looga saaro Guriceel. wuxuuna Fiqi doonayey in arrintaas lagu dhameeyo wadahadal. “Mar kale waxaan ka xumahay waxa Guriceel ka socda oo burbur iyo dhimasho ah, dhaawac iyo barakacin ah, colaad iyo ma hadho ah, waana arrintii aan ka digayey laakin ay doorteen kuwa dagaalka danta mooday ee ciidamada Muqdisho ka daabuley” ayuu yiri Fiqi. Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaalka. “Caqligu ha shaqeeyo oo dagaalka hala joojiyo, wadahadalna arrinta halagu dayo ayadoo loo turayo dhiigga dadka reer Galmudug iyo shacabka guryahooda uga barakacay cabsi ay ka qabeen waxa maantay dhacay oo kale, Suurtagal maahan hoobiye iyo madaafiic in magaalada lagu garaaco, Lana xasuuqo dadka ku haray magaalada. Ilaahay ha [Sii aqri]

Maxay Kawada Hadleen Madaxweynaha HirShabelle Iyo James Swan?

October 23, 2021 F.G 0

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen  ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ambasador Jemes Swan. Kulanka ayaa looga hadlay qodobo badan oo ay ka mid yihiin dedejinta  howlaha Doorashooyinka, Amniga, bini’aadanimada, iyo dardargalinta Mashaariicyada UN-ka u hayaan Hirshabeelle. Ambassador James Swan ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen doorashadii aqalka sare ee ka dhacday Magaalada Jowhar oo u qabsoontay si daahfurnaan ah. James Swan ayaa intaa ku daray in QM  ay dhijacyo badan ka taageerayso maamulka Hirshabelle iyo Maamulada kale ee dalka, ayna diyaar u yihiin iney gacan ka siiyaan qabashada doorashada xubnaha golaha shacabka.

Ciidanka Ahlu sunna oo dib ula wareegay degmada Guriceel Iyo Xaaladii ugu dambeeyey

October 23, 2021 F.G 0

Ciidanka Ahlusunna ayaa dib ula wareegay gacan ku heynta degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ka dib dagaal oo qaraar uu ka dhacay gudaha degmadaas. Qabasashada Guriceel ayaa timid ka dib dagaal rogaal celis ah oo ay soo qaadeen ciidamada ahlu sunna ee laga saaray magaaladaas. Ciidamada DF iyo kuwa Galmudug ee maanta qabsaday degmadaas ayaa sameeyey dib u gurasho, iyagooo haatan ku sugan duleedka Magaaalada. Ahlusuna ayaa dib ayaa caawa lagu arkayey saldhigga booliska iyo xarunta degmada oo saaka qabsadeen Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Galmudug. Ahlu sunna ayaa la sheegay iney gurmad ka heshay ciidamo uu hoggaaminaayo Saadaq Sheekh Yuusuf oo kamid ah madaxda Ahlusunna Khasaare xoog leh ayaa ka dhashay dagaalka maanta ka dhacay Magaalada Guriceel inkastoo aan laga helin tirakoob sugan.

Maxay Ka Wada Hadleen Kulankii Dhexmaray Madaxweyne Lafta-Gareen Iyo James Swan?

October 23, 2021 F.G 0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka Xoghayaha guud Qaramada Midoobey ee Arimaha Soomaaliya Ambasidor James Swan oo ay wehliyaan Diblomaasiyiin kale. Kulanka Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen iyo Ambasidor James Swan oo ahaa mid saacado qaatay waxa ay uga wada hadleen Arimaha Doorashayoonka, Xaqiijinta Amniga goobaha doorashada lagu qabanaayo iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadkii laga soo Musaafuriyey Magaalada Laascanood. James Swan Wakiilka Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee Arimaha Soomaaliya ayaa Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ugu mahadceliyey doorka muhiimka ahaa ee uu ka qaatay dhex-dhexaadinta Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble oo ka heshiiyey qodobadii ay isku khilaafsanayeen. Wakiilka Xoghayaha guud Qaramada Midoobey ee Arimaha Soomaaliya Ambasidor James Swan ayaa dhanka kale Madaxweynaha ku bogaadiyey inuu sii dar-dargeliyo doorashada Xildhibaanada Gollaha Shacabka. Laftagareen ayaa Saaxibada Beesha Caalamka uga mahadceliyey Doorka ay ka qaadanayaan, qabsoomida doorashada, xaqiijinta Amniga iyo Hirgelinta Mashaariicda waxaana uu xusay Madaxweynaha in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay ka goan tahay inay sida ugu dhow ay uqabato Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Muqtaar Roobow;”Muddo Saddex Sano Ah Ayaan U Afduubanahay AMISOM”

October 23, 2021 F.G 0

Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa markii ugu horeysay codkiisa la maqlay tan iyo dhamaadkii sanadkii 2018.Roobow ayaa wareysiga ku sheegay in muddo lix bil ah lagu hayay xarunta Nabadsugida ayna ilaalo ka ahaayeen ciidamada Waran,balse markii dambe la geeyay guri ay ay ilaalo ka ahaayeen ciidamo magaalooyin kala duwan laga keenay kuwasoo ku dagaalamay qolkii uu ku jirey oo askari uu ku dhintey. Muqtaar Roobow Cali ayaa wareysi siiyay laanta afka soomaaliga ah ee VOA waxana uu sheegay in aysan waxba iska bedelin fikirkiisa uuna doonayo in si nabad ah uu ugu tartamo siyaasada dalka. “Nabad baan wax ku raadiyay waana ku raadin doonnaa haddii aan la I qasbin, hamigeyga siyaasadeed isma bedelin, wax badan waan aqriyay haddii ay qur’aan tahay haddii ay wax kale tahay, waxaana markasta diyaar u ahay in aan dadkeyga horumariyo” ayuu yiri Muqtaar Roobow. Muqtaar Roobow oo xilal sare ka soo qabtay ururka Alshabaab ayaa markii dambe ka goostay isagoo isu dhiibay dowlada federalka waxana uu isu soo sharaxay xilka Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofurgalbeed.

Ciidanka Dowladda Oo La Wareegay Xarunta Degmada Guriceel Iyo Saldhiga Booliska

October 23, 2021 F.G 0

Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Maamulka Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca ayaa weli ka socda Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kaasi oo bilowday waaberigii hore ee saakay. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka ka socda Guriceel oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamaya oo isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dagaalkaas uu marar qaar noqonayaa mid goosgoos ah. Dad ku sugan Magaalada ayaa soo weriyay in Ciidanka dowladda iyo kuwa Maamulka Galmudug ee saakay weerarka soo qaaday ay Goordhow la wareegeen gacan ku heynta Saldhiga Booliska degmada Guriceel iyo Xarunta degmadaas. Ciidamada ayaa iyaga oo wata gaadiidka nooca dagaalka lagu arkayaa waddooyinka gala iyo kuwa kabaxa Saldhiga Magaalada iyo  Xarumo kale oo ay ku sugnaayeen Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca, balse ay isaga baxeen, sida ay sheegayaan wararka. Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Hoobiye uu ku dhacay Xarun Caafimaad oo ku dhow Masjidka Munawar ee Guriceel, isla markaana ay gubatay Xaruntaas, sida lagu arkayay Sawirro laga soo qaaday. Dagaalka Guriceel ayaa haatan waxaa uu [Sii aqri]

R/Wasaare Rooble Oo Wasiir dowle U Magacaabay Bashiir Goobe

October 23, 2021 F.G 0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta xil cusub u magacaabay Taliyihii KMG ah ee Hay’adda Nabadsugida ee NISA Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe). Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Bashiir Goobe loogu magacaabay inuu noqdo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska ee Xukuumadda xilgaarsiinta, isagoo u rajeeyay in uu xilkiisa Eebbe u fududeeyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa Bashiir Goobe horey ugu magacaabay Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, xiligii uu taagnaa khilaafkii u dhexeeyay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha. Magacaabidan ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii habeenkii jimcaha gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ee lagu soo afjaray khilaafka muddada u dhaxeeyay labada dhinac ee sababta u ahaa kala jabkii Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka. Heshiiskaas ay gaareen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa qeyb ka ahaa in Madaxweynaha uu soo magacaabayo Taliyaha Hay’adda Nabadsugida ee NISA, halka Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) loo magacaabo Wasiiru dowle.

Ciidamada Dowlada iyo Ciidamada Galmudug oo gudaha u galay Magaalada Guriceel

October 22, 2021 F.G 0

Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in ciidanka dowlada federaalka Soomaaliya ay wehliyaan ciidamada Galmudug gudaha u galeen xaafado katirsan Guriceel. Ciidamada Ahlu Sunna oo horey ugu sugnaa magaalada Guriceel ayaa lagu soo waramayaa in caawa ka baxeen qeybo badan oo kamid ah magaaladaasi kadib markii ay kusoo dhawaadeen ciidamada dowlada iyo kuwa Galmudug. Warbaahinta ku hadasha afka Dowlada Soomaaliya ayaa goordhaw baahisay in ciidamada dowlada iyo kuwa Galmudug hada ku sugan yihiin xaafado katirsan Guriceel, waxa ayna Warbaahinta sheegeen in ciidamada la socdaan maamulka Degmada. Ciidamada huwanta ah inta aysan gudaha u galin Guriceel ayaa la maqlay rasaas goos goos ah taa oo keentay in shacabkii magaalada joogay guryahooda ku kala cararaan si ay uga bad baadaan hadii dagaal qarxo. Kooxda Ahlu Sunna oo maalmihii lasoo dhaafay gacanta ku heysay magaalada Guriceel ayaan la ogeyn halka ay u baxeen, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay hogaanka kooxdaasi.

Guddiga Doorashada Oo Soo Saaray Qorshaha Howlgalka Doorashada Golaha Shacabka

October 22, 2021 F.G 0

Guddiga Hirgelinta Doorashada heer Federaal ayaa soo saaray qorshaha lagu howlgalayo ee doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soonaaliya. Guddiga oo Qoraal soo saaray ayaa ku sharaxay sida qaabka soo xulida ergada meelaha deegaan doorashada ah, shuruudaha Musharaxiinta u tartamaya kuraasta, tirada ergo ee dooraneysa kuraasta taala dowlad Goboleedyada iyo deegaan doorashadooda. Codbixinta doorashada ayaa waxaa ay soconeysaa 20 maalmood, iyada oo ka dhaceysa 12 degaan doorasho iyo 18 goobood oo codeynta ee laga hirgelinayo maamulada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug. Qorshaha howlgalka doorashada kama dhigna jadwalka doorashada, balse waxaa ay u muuqataa qorshe bilow u ah howlaha doorashada iyo sidii loo ambaqaadi lahaa. Hoos ka Akhriso Qorshaha howlgalka doorashada Golaha Shacabka.    

Madaxweyne Erdogan Oo Ku Hanjabay Inuu Eryi Doono Safiirada 10 Dal

October 22, 2021 F.G 0

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii ku hanjabay inuu eryi doono safiirada dalalka Mareykanka, Jarmalka iyo sideed kale oo reer galbeed ah kadib markii ay soo saareen war-saxaafadeed wadajir ah oo ay ku taageerayaan hoggaamiye ka mid ah bulshada rayidka Turkey. Osman Kavala oo ah 64 jir Turkish ah oo ku dhashay Paris ayaa xabsi ku jiray tan iyo 2017 isaga oo aan wax dambi ah lagu helin. Kavala ayaa wajahaya eedeymo dhowr ah oo la xiriira dibadbax ka dhan ah dowladda oo dhacay 2013 iyo afgambigii fashilmay ee 2016. Kavala waa uu beeniyey eedeymaha. War-saxaafadeed ay soo saareen Isniinti ayey safiirada dalalka Canada, Denmark, Finland, France, Germany, Netherlands, New Zealand, Norway, Sweden iyo Mareykanka waxay ku baaqeen “xal caddaalad oo deg deg ah oo laga gaaro kiiskiisa.” Erdogan ayaa muujiyey sida uu uga careysan yahay hadalka safiirada isaga oo weriyayaasha la hadlay xilli uu saarnaa diyaarad kasoo celisay safar uu ku tegay Afrika. Xiisaddan cusub ayaa mugdi gelineysa kulanka la qrosheeyey ee dalalka G20 oo toddobaadka soo socda ka dhacaya Roma, halkaasi oo [Sii aqri]

1 2 3 1,055